Erik Ten Hag Oo Digniin U Diray Liverpool Ka Hor Kulanka Caawa.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Liverpool kulan ka tirsan 8 Dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Labada kooxood ayaa fiidnimada Axada ku kulmi doona Old Trafford ee magaalada Manchester si ay u ogaadaan cidda u soo bixi doonta semi-finalka.

Ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan badbaadino xilli ciyaareedka”.

“Waan ognahay inay tahay inaan ku guuleysano Horyaalka Ingiriiska, laakiin hadda waxaan heysanaa fursad aan ku guuleysano koob”.

““Fursada kaliya ee aan haysano waa koobka FA Cup-ka, waxaa jira kulamo waaweyn oo na sugaya, waana inaan ku ciyaarnaa heerkeena ugu fiican”.

“Ciyaarta Liverpool waxay noo tahay Tijaabo Laakiin waan jecelnahay tijaabada waa in aan is dajino”.

“Waan aaminsanahay nafteena, laakiin Axadda waa inaan caddeeyaa,” ayuu yiri Ten Hag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga