Kooxda Arsenal maxay heli doontaa kadib markii ay ku guuleysatay horyaalka Premier League 2025/26?
Kadib markii ay soo afjareen sugitaankoodii 22-ka sano ahaa ee hanashada Premier League, maxay dhab ahaan heli doontaa Arsenal? Halkan waxaan ku eegaynaa abaalmarinnada iyo faa’iidooyinka la socda ku guuleysiga horyaalka.
Koobka Premier League
Dabcan, Arsenal waxay heli doontaa koobka Premier League, iyadoo lagu qurxin doono xarigyo casaanka iyo caddaanka ah ee midabada kooxda.
Ma jiro hal koob oo keliya?
Dhab ahaantii waxaa jira laba koob oo isku mid ah, kuwaas oo leh saldhig lagu xardhay magacyada kooxihii hore ugu guuleystay Premier League.
Inta lagu jiro xilli ciyaareedka, hal koob ayaa la siiyaa kooxda heysata horyaalka, halka kan kale uu sii joogo maamulka Premier League.
Kooxda horyaalka ku guuleysata waa inay koobka dib ugu celisaa Premier League ugu yaraan saddex toddobaad ka hor kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.
Immisa ayuu le’eg yahay koobku?
Koob kasta wuxuu dhererkiisu yahay 104cm, ballaciisuna yahay 61cm. Miisaankiisuna waa 25.4kg.
Saldhigga hoose ee lagu qoro magacyada kooxaha guuleystay ayaa kaligiis miisaankiisu yahay 15.9kg.
Maxay libaaxyada koobku ka dhigan yihiin?
Naqshadda koobka waxay ku saleysan tahay “Saddexda Libaax ee Kubadda Cagta England”.
Laba libaax ayaa ku yaalla labada dhinac ee gacmaha koobka, halka kabtanka kooxda marka uu madaxa kor ugu qaado koobka iyo taajkiisa dahabka ah uu noqdo “libaaxa saddexaad”.
Kooxaha xaqiijiya horyaalka ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka badanaa waxaa koobka lagu guddoonsiiyaa kulankooda ugu dambeeya ee garoonkooda. Laakiin Arsenal waxay xaqiijisay horyaalka kadib kulankii ugu dambeeyay ee gurigeeda ay la ciyaartay Burnley, sidaas darteed koobka waxaa lagu guddoonsiin doonaa maalinta ugu dambeysa ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace.
Billadaha Premier League
Marka lagu daro koobka, Arsenal waxay heli doontaa billadaha guuleystayaasha Premier League.
Immisa billadood ayay helayaan?
Sida ku qoran xeerka C.13 ee buugga Premier League, kooxda waxaa la siin doonaa 40 billadood oo qalin ah, kuwaas oo dhexroorkoodu yahay 5.7cm.
Billadahan waxaa kooxda u qaybin doonta tababaraha, ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda.
Ciyaaryahan kasta oo ugu yaraan shan kulan kasoo muuqday Premier League xilli ciyaareedkaas waa inuu helaa billad.
Haddii tirada ciyaartoyda shanta kulan ciyaaray ay ka badan tahay 39, billado dheeraad ah ayaa la bixin karaa oggolaanshaha maamulka Premier League.
Lacag ma helaan kooxda horyaalka ku guuleysata?
Premier League ma laha “abaalmarin rasmi ah” oo gaar ah sida tartamada tennis-ka ama golf-ka.
Laakiin kooxaha waxay lacag ku helaan booska ay kaga dhammeeyaan jadwalka.
Arsenal waxay heli doontaa lacagta ugu badan maadaama ay kaalinta koowaad gashay.
Xilli ciyaareedkii hore, boos kasta wuxuu qiimihiisu ahaa qiyaastii £2.6 milyan dheeraad ah:
Liverpool oo ku guuleysatay horyaalka waxay heshay £53.1 milyan
Kooxdii ugu dambeysay waxay heshay £2.6 milyan
Sidoo kale:
Kooxdu waxay heli kartaa faa’iidooyin xayeysiis iyo heshiisyo ganacsi.
Laakiin sidoo kale waxaa jiri kara gunnooyin la siinayo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda
U-qalmitaanka Champions League
Kooxda ku guuleysata Premier League waxay si toos ah ugu soo baxdaa UEFA Champions League xilli ciyaareedka xiga.
Shanta kooxood ee ugu sarreeya Premier League sanadkan ayaa dhammaantood usoo baxay Champions League.
FA Community Shield
Arsenal sidoo kale waxay xaq u yeelanaysaa inay ciyaarto tartanka FA Community Shield, kaas oo ah ciyaarta furitaanka xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal waxay la ciyaari doontaa Manchester City 16-ka Agoosto magaalada Cardiff.
Calaamadda dahabka ah ee gacanta funaanadda
Tan iyo xilli ciyaareedkii 2015/16, kooxda difaacanaysa horyaalka waxay xirataa calaamad dahab ah oo Premier League ah oo ku taal gacanta funaanadda.
Tani waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Arsenal xirato calaamadda dahabka ah.
Taariikhda Premier League
Arsenal waxay sidoo kale magaceeda ku qori doontaa taariikhda Premier League.
Kooxaha ugu badan ee ku guuleystay Premier League:
1. Manchester United – 13 koob
2. Manchester City – 8 koob
3. Chelsea – 5 koob
4. Arsenal – 4 Koob
enal – 4 koob
5. Liverpool – 2 koob
6. Blackburn Rovers – 1 koob
7. Leicester City – 1 koob
Waxa xusid mudan in Koobabka la tirinayo ay yihiin kuwa ay Kooxaha Ku guulasteen wixii Ka Dambeeyay 1991.
Be the first to comment