Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, xiisadda u dhexeysa weeraryahanka reer Argentina Julián Álvarez iyo Atlético Madrid ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo ciyaaryahanku doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Álvarez uu maanta doonayay inuu kulan la yeesho tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, si uu uga codsado inuu ka caawiyo inuu kooxda ka tago, isla markaana uu ugu biiro Barcelona.
Hase yeeshee, Simeone ma uusan joogin kooxda, kaddib markii uu qaatay laba maalmood oo fasax ah oo uu ku joogay Ibiza, Arrintan ayaa la sheegay inay ka careysiisay Álvarez, kaas oo maamulka kooxda u diray fariin adag:- “Ha igu xisaabtamina.”
Álvarez ayaa sidoo kale ku adkeysanaya inuu Atlético Madrid ka helay ballan tan iyo bishii Febraayo, taas oo u oggolaanaysa inuu inta lagu jiro xagaagan ka tago kooxda haddii uu doonayo.
Arrintu hadda uma muuqato oo keliya rabitaan uu ciyaaryahanku u qabo inuu koox beddelo, balse waxay isu beddeleysaa iska horimaad u dhexeeya Julián Álvarez iyo Atlético Madrid.
Su’aasha taagan ayaa ah: Ma ku qasbi karaa Álvarez Atlético Madrid inay u furto albaabka bixitaankiisa, si uu ugu biiro Barcelona?
Xigasho: Mundo Deportivo
Be the first to comment