Kooxda Arsenal ayaa ku guuleysatay koob cusub oo taariikhdeeda ah, taas oo ka dhigaysa guud ahaan koobabkeeda 50 koob, kadib markii ay xaqiijisay hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay barbarihii 1-1 ahaa ee kooxda Manchester City ay la gashay AFC Bournemouth wareegga 37-aad ee horyaalka, kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyay ka hor finalka.
Arsenal waxay ku guuleysatay:
Premier League-ga England 14 jeer
FA Cup-ka 14 jeer
Community Shield-ka England 17 jeer
League Cup-ka England 2 jeer
Centenary Cup-ka England 1 mar
European Cup Winners’ Cup 1 mar
Inter-Cities Fairs Cup 1 mar
Arsenal ayaa hoggaanka horyaalka ku haysa 82 dhibcood, iyadoo afar dhibcood ka sarreysa Manchester City oo ku hartay 78 dhibcood, taas oo si rasmi ah uga saartay tartanka horyaalka ka hor wareegga ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Arsenal ay ciyaari doonto finalka UEFA Champions League Final bisha May 30, halkaas oo ay la kulmi doonto Paris Saint-Germain garoonka Puskás Aréna ee magaalada Budapest.
Be the first to comment