Fermín López oo ka hadlay Numberkii 16 ee uu siiyey Rodri & uwareegistiisa lambarka cusub

Kooxda.com – Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Fermín López, ayaa ka hadlay go’aanka uu ugu wareegay lambarka 7-aad, kaddib markii uu hore u xiran jiray lambarka 16-aad.

Fermín ayaa sheegay inuu mar walba jeclaa lambarka 7-aad, isla markaana ay xirteen qaar ka mid ah ciyaartoydii waaweynaa ee taariikhda Barcelona, Maadaama lambarku bannaanaaday, ayuu isagu codsaday inuu qaato.

“Mar walba waan jeclaa lambarka 7-aad, waxaana xirtay ciyaartoy waaweyn oo taariikhda Barcelona ka mid ah. Markii uu bannaanaaday ayaan codsaday, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xirto.” — Fermín López.

Fermín wuxuu sidoo kale qirtay inuu xoogaa ka xumaaday inuu ka tago lambarka 16-aad, maadaama uu si gaar ah ugu xirnaa kaddib sannadihii uu kooxda koowaad ee Barcelona ku qaatay.

“Wax yar ayaan uga murugooday inaan ka tago lambarka 16-aad, sababtoo ah wax badan ayuu ii lahaa, laakiin waxaan hubaa inuu gacmo wanaagsan ku jiri doono.” — Fermín López.

Lambarka 16-aad waxaa la filayaa inuu qaato Rodri, kaasoo Barcelona ku soo biiraya, waxaana Fermín uu si weyn u soo dhaweeyay xiddiga reer Spain.

Fermín wuxuu Rodri ku tilmaamay “pivot-ka ugu fiican adduunka”, isagoo sidoo kale xusay inuu yahay ku guuleystaha Ballon d’Or iyo ciyaaryahan ay hore uga wada tirsanaayeen xulka Spain.

Lambarka 7-aad ee Barcelona ayaa sidoo kale leh taariikh weyn, waxaana hore u xirtay xiddigo ay ka mid yihiin David Villa, Pedro, Ousmane Dembélé iyo Antoine Griezmann.

Sidaas darteed, Fermín López wuxuu hadda bilaabayaa bog cusub oo Barcelona ah, isagoo qaadanaya lambarka 7-aad, halka lambarkiisii hore ee 16-aad uu u banneeyay Rodri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga