Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in xilli ciyaareedka 2026/27 uu u badan yahay inuu noqdo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kubadda cagta, taasoo soo dhoweynaysa dhammaadka mid ka mid ah xidigihii xirfadaha ugu waaweyn taariikhda ciyaaraha.
Ronaldo oo 41 jir ah ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayay noloshiisa ka dib kubadda cagta, Wuxuu sheegay inuu doonayo inuu xirfaddiisa ku soo gabagabeeyo dhaxal weyn oo taariikhi ah, isla markaana uu horey u qorsheystay nolosha uu yeelan doono marka uu ciyaaraha ka fariisto.

Ronaldo wuxuu sheegay in mustaqbalkiisa uu si wanaagsan u qorsheystay, isla markaana uu haysto waxyaabo badan oo uu ku mashquulo marka uu kubadda cagta ka fariisto, Wuxuu tilmaamay inuu doonayo inuu waqti badan safarro ku qaato, ciyaaro ama daawado padel, iyo inuu ku raaxaysto wixii uu soo shaqeystay.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale xusay in kubadda cagtu ay noloshiisa ka qaadatay ku dhowaad 25 sano oo ay ka buuxeen dadaal iyo halgan, sidaas darteed marka uu ciyaaraha ka fariisto uu u baahan doono waxyaabo kale oo noloshiisa buuxiya.
Haddii Ronaldo uu dhab ahaan fariisto dhammaadka xilli ciyaareedkan, wuxuu xirfaddiisa ku soo afjari karaa isagoo weli ku dhow inuu gaaro 1,000 gool oo rasmi ah, Sida xogta la soo bandhigay, Ronaldo wuxuu haatan leeyahay 976 gool, kuwaas oo 830 uu u dhaliyay kooxihiisa, halka 146 uu u dhaliyay xulka Portugal.

Ronaldo wuxuu hadda u ciyaaraa Al-Nassr, wuxuuna kooxda Sacuudiga kula jiray tan iyo markii uu Manchester United ka tagay dhammaadkii 2022., Muddo uu Al-Nassr joogay, wuxuu ciyaaray 142 kulan, isagoo dhaliyay 123 gool, wuxuuna kooxda la qaaday laba koob.
Xirfaddiisa ciyaareed waxay soo bilaabatay Sporting CP, ka hor inta uusan 2003 ugu wareegin Manchester United, Old Trafford ayuu ku noqday xiddig caalami ah, isagoo ku guuleystay Premier League, FA Cup, League Cups iyo Champions League.
Kadib wuxuu 2009 ugu wareegay Real Madrid, halkaas oo uu ku qaatay sagaal xilli ciyaareed oo cajiib ah, Wuxuu kooxda u dhaliyay 450 gool 438 kulan, wuxuuna kula guuleystay LaLiga, Copa del Rey iyo afar Champions League.
Ronaldo ayaa sidoo kale Juventus u ciyaaray saddex xilli ciyaareed, ka hor inta uusan 2021 dib ugu laaban Manchester United, Inkastoo uu xilli ciyaaree
dkiisii ugu horreeyay ku dhaliyay 24 gool, haddana xiriirkii uu la lahaa kooxda ayaa xumaaday, wuxuuna United ka tagay 2022.
Dhanka xulka Portugal, Ronaldo weli waa kabtanka qaranka, wuxuuna leeyahay 233 kulan oo caalami ah, Wuxuu Portugal kula guuleystay Euro 2016, taasoo ahayd koobkii ugu weynaa ee uu xulkiisa la qaaday.

Hadda su’aasha ugu weyn ayaa ah: Ronaldo ma dhab ahaan ayuu 2027 ku soo afjari doonaa xirfaddiisa, mise wuxuu sii ciyaari doonaa si uu u gaaro 1,000 gool? Haddii uu go’aansado inuu fariisto, waxay noqon doontaa dhammaadka waayihii mid ka mid ah ciyaartoydii ugu saamaynta badnaa kubadda cagta casriga ah.
Be the first to comment