Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa fariin xooggan u diray taageerayaasha kooxda ka hor bilowga xilli-ciyaareedka cusub, isagoo sheegay in kooxdu ay diyaar u tahay inay u dagaallanto koob kasta oo ay ciyaareyso.
Flick ayaa mahadcelin u jeediyay agaasimaha ciyaaraha Deco iyo madaxweynaha kooxda, isagoo ku amaanay dhismaha kooxdiisa, wuxuuna sheegay in Barcelona ay haysato tamar iyo awood ay ugu dagaallanto dhammaan koobabka xilli-ciyaareedkan.
Sidoo kale, Flick wuxuu fariin gaar ah u diray taageerayaasha Barça, isagoo ka codsaday inay kooxda garab istaagaan, isla markaana xusay in Barcelona ay ka xoog badan tahay marka ay wadajir yihiin.
Ugu dambeyn, Flick wuxuu hadalkiisa ku soo xiray erayada caanka ah ee kooxda: “Visca el Barça y Visca Catalunya!”
Be the first to comment