HALYEYGII Man utd oo fariin adag hawada umariyey Xidiga Man utd Marcos Rashford ……

Halyeeygii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa Marcus Rashford u sheegay waxa ugu weyn ee uu u baahan yahay inuu beddelo haddii uu doonayo inuu dib uga soo dhalaalo Old Trafford.

Rashford, oo 28 jir ah, ayaa xagaagan dib ugu soo laabtay Manchester United kadib markii uu amaah ugu ciyaaray Aston Villa iyo Barcelona. Waxa uu toddobaadkan kasoo muuqday United markii ugu horreysay muddo 20 bilood ah, isagoo 29 daqiiqo ciyaaray kulankii ay 4-2 kaga adkaatay AC Milan.

Rooney: “Body language-ka waa inuu beddelaa”, Rooney wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Rashford ay tahay hab-dhaqankiisa iyo muuqaalka uu garoonka ku muujiyo, gaar ahaan marka ciyaartu aysan u socon sidii uu rabay.

Rooney wuxuu aaminsan yahay in Rashford uu u baahan yahay inuu taageerayaasha United dib ugu kasbado dadaal, orod badan iyo dabeecad wanaagsan, wuxuu sheegay in ciyaaryahan uu ciyaar xun yeelan karo, kubbad lumin karo ama qalad sameyn karo, balse haddii taageerayaashu arkaan inuu si adag u shaqeynayo, ay diyaar u noqonayaan inay taageeraan.

“Waa inuu madaxa hoos u dhigaa oo shaqeeyaa”, Rooney ayaa Rashford kula taliyay inuu iska ilaawo waxyaabihii hore, isla markaana uu mas’uuliyadda dib u dhiska xirfaddiisa qaato.

Wuxuu sheegay in haddii Rashford uu dhab ahaantii doonayo inuu Manchester United sii joogo, uu u baahan yahay inuu:

Si adag u shaqeeyo tababarka iyo ciyaaraha.
Beddelo body language-kiisa.
Noqdo ciyaaryahan wanaagsan oo farxad ku ciyaara.
Taageerayaasha la midoobo.
Marka uu kubbadda helo inuu weerar toos ah qaado.
Uusan ka baqin inuu isku dayo inuu daafaca mid-ka-mid ah dhaafo.

Rooney wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Rashford mararka qaar marka uu daafac fool-ka-fool ah helo uu kubbadda dib ugu celiyo halkii uu si toos ah ugu weerari lahaa.

Rooney wuxuu tusaale u soo qaatay Bruno Fernandes, Rooney wuxuu sheegay in Rashford uu wax badan ka baran karo Bruno Fernandes.

Inkasta oo Bruno marar badan kubbadda lumiyo, haddana taageerayaasha United way jecel yihiin sababtoo ah wuxuu mar walba isku dayaa baas halis ah, weerar iyo inuu wax abuuro.

Rooney wuxuu doonayaa in Rashford uu yeesho isla geesinimada iyo shakhsiyaddaas, Rashford ma jabin karaa rikoorka Rooney?

Qodobka ugu xiisaha badan ayaa ah in Rooney uu aaminsan yahay in Rashford yahay ciyaaryahanka ugu macquulsan ee jabin kara rikoorkiisa gooldhalinta Manchester United, Rooney wuxuu United u dhaliyay 253 gool, halka Rashford uu hadda leeyahay 138 gool.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Rashford uu u baahan yahay 115 gool oo kale si uu u dhaafo rikoorka Rooney.

Rooney wuxuu sheegay inuusan rabin inuu arko Rashford oo si fiican ugu ciyaaraya Aston Villa ama Barcelona, balse uu doonayo inuu arko isagoo Manchester United u dhalinaya goolal, waxa uu yiri  “Waa waali  tahay hadii uu baxo”

Rooney ayaa sidoo kale sheegay in Rashford uu haysto fursad aan ciyaartoy badan helin: inuu dib uga bilaabo Manchester United.

Wuxuu xusay in Rashford uu yahay nin Manchester ku dhashay, taageere United ah, isla markaana uu hadda haysto fursad uu ku bilaabo bog cusub.

Rooney wuxuu sheegay in Rashford uusan haysan sabab uu cid kale ugu eedeeyo haddii uu mar kale ku fashilmo, maadaama mas’uuliyadda hadda ay saaran tahay isaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga