WARBIXIN: 5 Weeraryahan Oo Ay Arsenal & Chelsea U Dhaqaaqi Karaan Saxiixooda Kadib Markii Uu Benjamin Sesko Iska Diiday

Arsenal iyo chelsea ayaa dhirbaaxo kala kulmay baacsigii ay ugu jireen saxiixa weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko.

Xiddiga Benjamin Sesko ayaa go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa isla markaas sii joogo ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.

Wargayska Metro ayaa sheegay in ay Arsenal iyo chelsea haatan dareenkooda u jeedin doonaan 5 weeraryahan.

Waxa ugu horeeya weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney kaas oo horay loola xidhiidhinayay labada kooxood reer London.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak kaas oo is muujiyay kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Premier League.

Weeraryahanka Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres ayaa ku jira Liiska kadib markii uu qaab ciyaareed waali ah ku soo bandhigay horyaalka Portugla.

Waxa ku xiga xiddiga Bournemouth ee Dominic Solanke kaas oo gool dhalin waali ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Waxa ugu dambeeya xiddiga Serhou Guirassy kaas oo wacdaro ka dhigay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga