Benjamin Sesko Oo Qaatay Go’aan Dhabar Jab Ku Noqday Arsenal Iyo Chelsea, Muxuu Sameeyay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko ayaa lagu soo waramayaa in uu ga’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa.

Benjamin Sesko Ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha premier League ee Arsenal iyo chelsea kuwaas oo weeraryahan suuqa ugu jira.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda uu haatan u ciyaaro.

Go’aankan ayaa dhirbaaxo ku noqonaya kooxaha Arsenal iyo chelsea oo si dhaw ula socday xaalada xiddiga weerarka ka ciyaara.

Benjamin Sesko oo dhaliyay gool 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee kooxdiisa ayaala filayaa in uu xulka Slovenia hogaamiyo tartanka Euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga