Geerida Jorge Messi, aabbihii Lionel Messi, ayaa dib u soo celisay sheekadii cajiibka ahayd ee ku saabsanayd ninkii door weyn ka qaatay in wiilkiisa yar uu noqdo mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta. Jorge, oo ahaa shaqaale hore oo ka tirsanaa warshad birta ah, wuxuu Lionel u diray kooxda Newell’s Old Boys isagoo lix jir ah, waxaana halkaas si degdeg ah looga dhex arkay hibada aan caadiga ahayn ee wiilka.

Laakiin safarka Messi ma ahayn mid sahlan. Lionel wuxuu qabay dhibaato la xiriirtay hormoonka koritaanka, taas oo u baahnayd daaweyn qaali ah. Markii Newell’s Old Boys ay joojisay bixinta kharashka daaweynta, Jorge wuxuu fahmay in haddii aan xal degdeg ah la helin, mustaqbalka kubadeed ee wiilkiisa uu halis geli karo.
Taasi waxay ku qasabtay Jorge inuu raadiyo koox Yurub ah oo diyaar u ah inay Messi qaadato isla markaana ka caawisa daaweyntiisa, Ugu dambeyn wuxuu Barcelona ku qanciyay inay wiilkiisa tijaabiso. Sanadkii 2001, Lionel oo markaas ahaa 14 jir ayaa Spain u safray, waxaana uu galay tijaabo labo toddobaad ah oo Barcelona ah.
Kartidiisa ayaa si weyn u soo jiidatay madaxda Barcelona, laakiin heshiisku ma fududaan, Barcelona xilligaas waxay ku jirtay xaalad dhaqaale oo adag, madaxda qaarna waxay ka walaacsanaayeen kharashka ku baxaya ciyaaryahan aad u da’yar oo weliba u baahan daaweyn caafimaad, Intii Barcelona ay ka labalabeynaysay, kooxo kale oo waaweyn sida Real Madrid iyo Atlético Madrid ayaa iyaguna bilaabay inay isha ku hayaan Messi.
Jorge ayaa markaas cadaadis saaray Barcelona, Wuxuu ka cabsi qabay in haddii heshiiska la sii daahiyo, uu wiilkiisa dib ugu celiyo Argentina ama uu koox kale u wareejiyo, Waxaa xigay kulan taariikhi noqday oo ka dhacay naadi tennis oo ku yaalla Barcelona. Halkaas ayuu agaasimihii ciyaaraha Barcelona, Carles Rexach, ku qoray heshiiskii caanka noqday ee Mandiil .

Napkin-kaas waxaa lagu qoray ballanqaad ah in Barcelona ay saxiixayso Lionel Messi, waxaana saxiixay mas’uuliyiintii ku lugta lahaa heshiiska, Waxa markii dambe noqday mid ka mid ah dukumentiyada ugu caansan taariikhda kubadda cagta, mandiil-kaas ayaa xitaa sannado kadib xaraash lagu iibiyay in ka badan £762,000.

Markii heshiiska la dhammeeyay, Jorge wuxuu noqday qof si joogto ah uga dambeeya Messi. Intii hooyadii iyo walaalihiis ay dib ugu laabteen Argentina, Jorge wuxuu Barcelona kula sii joogay wiilkiisa, Messi wuxuu markii dambe sheegay in bilihii ugu horreeyay ee Barcelona ay aad ugu adkaayeen, isagoo mararka qaar qolkiisa ku dhex ooyi jiray. Jorge-na wuxuu la kulmayay isla murugadaas, balse labadoodu waxay isku dayayeen inay is tusaan inay wanaagsan yihiin.

Jorge wuxuu xitaa wiilkiisa weydiin jiray haddii uu doonayo inuu Barcelona sii joogo ama uu Argentina ku laabto. Messi wuxuu doortay inuu sii joogo, Jorge-na wuxuu go’aansaday inuu garabkiisa sii ahaado.
Markii Messi uu ka soo baxay La Masia oo uu noqday xiddig kooxda koowaad ah, Jorge wuxuu noqday wakiilkiisa, isaga oo ka shaqeynayay heshiisyadiisa iyo danihiisa dhaqaale, Markii kooxo waaweyn sida Inter Milan ay doonayeen Messi, Jorge wuxuu qayb ka noqday dadaallada lagu ilaalinayay mustaqbalka wiilkiisa ee Barcelona.

Kadib markii Messi noqday xiddig caalami ah, Jorge wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay heshiisyo ganacsi oo waaweyn oo uu Messi la galay shirkado ay ka mid yihiin Adidas, Pepsi, Budweiser iyo Konami., Sanadkii 2017, waxaa la sheegay in Jorge uu ka qayb qaatay heshiis aad u weyn oo afar sano ah, kaas oo Messi siinayay ku dhowaad €555 milyan.

Messi wuxuu ugu dambeyn Barcelona uga dhaqaaqay PSG, ka dibna wuxuu u wareegay Inter Miami, halkaas oo uu helay heshiisyo cusub oo dhaqaale iyo ganacsi. Waxaa sidoo kale la bilaabay shirkadda maalgashiga Play Time, taas oo sii ballaarisay ganacsiga ku dhisan magaca Messi.
Sidaas darteed, sheekada Jorge Messi ma ahayn oo keliya sheekada aabbe ciyaaryahan caan ah dhalay. Wuxuu ahaa ninkii arkay hibada wiilkiisa markii uu yaraa, u raadiyay daaweyn, Yurub geeyay, Barcelona ku cadaadiyay inay go’aan qaadato, garabkiisana istaagay markii ay xaaladdu adkeyd.

Heshiiskii lagu qoray napkin-ka ayaa noqday bilowgii mid ka mid ah xirfadaha ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta. Jorge Messi wuxuu ka tagay raad weyn oo ku saabsan safarkii Lionel Messi, waxaana sheekadiisa si gaar ah loo xusuusan doonaa marka laga hadlayo sida aabbe iyo wiil ay uga soo wada gudbeen caqabado badan ilaa heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta adduunka.
Be the first to comment