Kooxda Real Madrid ayaa guul 2-1 ah ka gaartay Ferencváros, kulan saaxiibtinimo oo ay labada kooxood ciyaareen, kaas oo qeyb ka ahaa diyaar-garowga xilli-ciyaareedka cusub ee 2026/2027.
Real Madrid ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, iyadoo si weyn u maamuleysay kubadda, inkastoo weerarka kooxda reer Spain uu ka maqnaa xoog iyo halis ku filan.
Goolka koowaad ee Real Madrid ayaa yimid daqiiqaddii 41-aad, waxaana u dhaliyay daafaca da’da yar Mario Rivas. Ciyaaryahanka ayaa madax ku dhaliyay kubad uu kasoo helay saaxiibkiis Álex Ceria.
Qeybtii labaad ayuu tababare José Mourinho sameeyay isbeddello dhowr ah, isagoo garoonka soo geliyay Vinícius Júnior, saxiixa cusub ee Bernardo Silva iyo weeraryahanka da’da yar Carlos Espe.
Isbeddellada Mourinho ayaa miro dhalay, waxaana daqiiqaddii 49-aad Real Madrid u dhaliyay goolka labaad Carlos Espe, kaddib weerar kooxeed si qurux badan loo soo dhisay.
Ferencváros ayaa isku dayday inay ciyaarta kusoo laabato, waxaana daqiiqaddii 57-aad gool u dhaliyay Kenan Kordo, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Real Madrid ayaa intaas kaddib si wanaagsan u maareysay ciyaarta, iyadoo ilaalisay hoggaankeeda ilaa dhamaadka, waxaana kulanku kusoo dhammaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda reer Spain.
Dhanka kale, ciyaaryahanka cusub ee Real Madrid kasoo qaatay RB Leipzig, Yan Diomande, kama uusan qeybgelin kulankan. Waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka xiga ee saaxiibtinimo ee Real Madrid ay la ciyaari doonto Deportivo La Coruña.
Be the first to comment