Ronaldo oo bixiyey hadal dadkoo dhan wadnaha jaray & Ronaldo oo ……..

Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay hadallo si weyn u kiciyay su’aalaha ku saabsan mustaqbalkiisa kubadda cagta, isagoo sheegay inuu durba qorsheeyay noloshiisa marka uu ciyaaraha ka fariisto.

Wareysiga uu siiyay Vogue ayuu ku sheegay in mustaqbalka uu leeyahay qorsheyaal badan, taasoo ka dhigaysa mid adag inuu hal arrin oo keliya magacaabo.

Ronaldo ayaa sheegay in marka kubaddu dhammaato ay qofka ka tagi karto meel bannaan oo weyn, sidaas darteed uu muhiim u yahay inuu haysto waxyaabo kale oo waqtigiisa buuxiya.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu nolosha si ka badan ugu raaxaysto, isagoo qorsheynaya inuu safar badan galo, daawado iyo ciyaaro padel, oo ah ciyaar uu aad u jecel yahay.

Ronaldo wuxuu tilmaamay in waqtigan uu doonayo inuu ku raaxaysto waxyaabihii uu kasbaday intii uu ku jiray xirfaddiisa dheer, isagoo xusay in 25-kii sano ee uu kubadda cagta ku jiray ay ahaayeen kuwo ay ka buuxeen dadaal iyo naf-hurid maalinle ah.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Ronaldo uu bixiyay tilmaantiisii ugu caddeyd ee ku saabsan dhamaadka xirfaddiisa, isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu u badan yahay inuu yahay sannadkiisii ugu dambeeyay ee kubadda cagta, Wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu ka tago dhaxal weyn oo xusuus mudan.

Ronaldo, oo hadda 41 jir ah, ayaa xirfaddiisa heerka sare ku qaatay in ka badan labaatan sano, isagoo matalay kooxo waaweyn sida Manchester United, Real Madrid, Juventus iyo Al-Nassr, halka uu weli yahay kabtanka xulka Portugal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga