Tababaraha Xulka England Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Xulka Hadii…..

Tababaraha Xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono xulka England hadii ay ku guulaysan waayaan Euro 2024.

Gareth Southgate ayaa xulka England hogaaminaya xilli ciyaareedkii 8-aad isaga oo doonaya in uu xulka ku hogaamiyo koob weyn.

Xulka England ayaa Germany kaga qayb galaya tartanka Euro 2024 kaas oo uu rajaynayo in uu ku guulaysto si uu u soo afjaro koob la’aanta.

Laakiin Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono xulka England hadii ay ku guulaysan waayaan Euro 2024.

“Hadii aanan ku guulaysan Euro, waxa laga yaabaa in aanan sii joogi doonin halkan, waxa laga yaabaa in ay tahay fursadii ugu dambaysay”ayuu yidhi Southgate.

“Waxa aan u malaynayaa in kala badh tababarayaasha xulalku ay baxaan kadib tartan, waana dabeecada kubada xulalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga