CEEB WEYN :- Barcelona oo lagaraacay kulankii 2aad oo xiriir ah & walee waa loo yaabaa ….

Kooxda Barcelona ayaa guuldarro kala kulantay Udinese, kaddib markii 1-0 looga adkaaday kulankii labaad ee tartan saaxiibtinimo oo saddex kooxood ah oo ka dhacay dalka Talyaaniga.

Barcelona oo uu hoggaaminayay tababare Hansi Flick ayaa kulankii hore 1-0 kaga adkaatay Nottingham Forest, waxaana goolka guusha u dhaliyay Raphinha oo rigoore ka dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Kulankii Udinese, Barcelona ayaa inta badan isku dayday inay kubadda maamusho, balse fursadihii ay abuurtay ayay awoodi weyday inay gool u beddesho.

Udinese ayaa goolka guusha dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, iyadoo Barcelona ku qasbanaatay inay aqbasho guuldarro 1-0 ah.

Tababare Hansi Flick ayaa kulanka fursad siiyay ciyaartoy badan oo da’yar ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in la qiimeeyo awooddooda iyo diyaar-garowgooda xilli-ciyaareedka cusub.

Ciyaaryahanka reer Masar ee Hamza Abdelkarim ayaa isaguna qayb ka ahaa safka Barcelona. 18-jirkan ayaa hore laba gool uga dhaliyay Birmingham City, taas oo Flick ku ammaanay awooddiisa weerarka.

Barcelona ayaa sidaas tartanka ku dhamaysatay kaalinta labaad, halka Udinese ay qaaday koobka kaddib markii ay labada kulanba guuleysatay.

Guuldarradan ayaa Barcelona siinaysa fursad ay ku ogaato meelaha ay weli u baahan tahay inay horumariso ka hor inta uusan si rasmi ah u bilaaban xilli-ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga