Man city oo kashiftay inuu Rodri hal talaabo ujiro kubiirista Barcelona maxey yidhaahdeen ?

Enzo Maresca Macalinka kooxda kubada cagta ee Manchester City  ayaa ka hadlay maqnaanshaha Rodri ee kulankii Manchester City laga qaaday koobkii maanta, isagoo qiray muhiimadda weyn ee xiddiga khadka dhexe.

Maresca ayaa yiri: “Rodri waa ciyaaryahan hadda ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Ballon d’Or, waana ciyaaryahan heer sare ah oo koox kasta ay u baahan tahay.”

Tababaraha City ayaa intaas ku daray in arrintu aysan ku koobnayn oo keliya su’aasha ah in Manchester City ay u baahan tahay Rodri iyo in kale, balse uu yahay ciyaaryahan tayo iyo muhiimad gaar ah leh,  Rodri ayaa dhawaan Spain kula guuleystay Koobka Adduunka, isagoo sidoo kale loo doortay ciyaaryahanka ugu wanaagsan tartanka, macalinka ayaa sidookale diiday inuu kahadlo mustaqbalkiisa isagoo yiri :- ”Majiro wax war ah” , tani waxa loo fahmay inuu qarka usaaranyahay  kubiirista Barcelona.

Hadalladan ayaa imanaya xilli mustaqbalka Rodri ee Manchester City uu weli yahay mid si weyn looga hadal hayo, iyadoo Barcelona ay xiisaynayso saxiixiisa, halka City ay doonayso inay sii haysato ciyaaryahanka oo heshiiskiisa uu ka harsan yahay hal sano.

Maresca wuxuu sidaas ku muujiyay in haddii Rodri uu ka tago Manchester City, aysan sahlanayn in booskiisa si toos ah loo buuxiyo, maadaama uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga