Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay Elche, kaddib markii ay 3-2 kaga adkaatay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2026/27, Kooxda uu hoggaamiyo tababare José Mourinho ayaa saddexda dhibcood ku xaqiijisay gool laga dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Real Madrid ayaa ciyaarta marti ku ahayd Elche, waxaana kooxda martida ahayd hoggaanka loo dhiibay daqiiqaddii 25-aad, Arda Güler ayaa laad xor ah oo uu meel ka baxsan xerada ganaaxa ka soo tuuray si qurux badan ugu dhuftey birta, kubadduna waxay ku dhacday ciyaaryahanka Elche ee Matías, iyadoo ugu dambeyn loo diiwaangeliyay own goal.
Los Blancos ayaa sii xoojisay hoggaankeeda daqiiqaddii 33-aad, markaas oo Kylian Mbappé uu shabaqa Elche ku hubsaday goolka labaad. Mbappé ayaa kubadda ka helay Diomandé, ka hor inta uusan si wanaagsan u dhammeystirin fursadda, Elche ayaa qeybtii labaad dagaal adag ku soo laabatay, waxaana daqiiqaddii 71-aad u dhaliyay Abel Osorio, kaasoo farqiga ka dhigay hal gool oo keliya, Kooxda martida loo ahaa ayaa sii waday cadaadiskeeda, waxaana dadaalkooda miro dhalay daqiiqaddii 83-aad, markii Fermín Niño uu dhaliyay goolka barbaraha.
Markii ay ciyaartu u muuqatay inay ku dhammaanayso barbaro, Real Madrid ayaa heshay goolka guusha xilli ciyaartu ku dhowdahay inay dhammaato. Carlos Espe ayaa daqiiqaddii ugu horreysay ee waqtigii dheeriga ahaa dhaliyay goolkii saddexaad, isagoo Real Madrid u xaqiijiyay guul 3-2 ah.
Guushan ayaa Real Madrid siisay 15 dhibcood, iyadoo kaalinta labaad kaga jirta La Liga, isla markaana dhibcaha la wadaagaysa Barcelona oo hoggaanka ku jirta, Dhanka kale, Elche ayaa weli ku jirta xaalad adag, iyadoo leh 2 dhibcood oo keliya, taasoo ka dhigaysa kooxda ugu hooseysa kala sarreynta horyaalka.
Be the first to comment