Cristiano Ronaldo Oo Magacaabay 3-da Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Xiddiga kooxda AL-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa magacaabay 3-da kooxood ee ku guulaysan doona horyaalka Champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa la soo saaray wareega 8 dhamaadka champions League iyo sidoo kale Semi-final-ka tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa iska indha-tiray Arsenal markii uu magacaabay seddexda kooxood ee ugu cadcad ku guuleysiga Champions League.

Ronaldo ayaa City u magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League inkasta oo uu xidhiidh la leeyahay Man United.

Markii la weydiiyay inuu magacaabo kooxda ugu cadcad ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkaan Ronaldo ayaa ku jawaabay isagoo la hadlaya Mirror”Manchester City waxay heysataa fursad wanaagsan oo ay ku qaadi karto markale Champions League”.

“Kooxaha kale ee ugu cad-cad ku guulaysiga champions League ayaa yidhi Real Madrid, Bayern Munich”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga