Wakhtiga Ay Arsenal Ku Dhamaystirayaan Saxiixa Mikel Merino Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo Fabrizio Romano xaqiijiyay in ay Gunners Saxiixa Mikel Merino ku dhamaystirayaan 24 ilaa 48 saac ee soo socda.

Saxiixa kaliya ee ay Arsenal dhamaystirtay suuqa xagaagan ayaa ah xiddiga Riccardo Califiori kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Bologna.

Saxiixa kale ee ay samaysay ayaa ah In ay Saxiixa toos ah ka dhigto xiddiga David Raya kaas oo amaah ku qaatay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin saxiixooda kale ayaa haatan soo socda iyada oo Romano sheegay in ay Arsenal ku dhawdahay in ay wax walba kala heshiiso Real Sociedad Si ay u hesho Saxiixa Mikel Merino.

Romano ayaa sheegay in ay Arsenal heshiiska Merino ku soo afjarayso 24 ilaa 48 saac ee soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga