WAALI: 10 Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Bar-Baro La Gashay Man City Kulan Dhiig La Shubay.

kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku kala baxay abr-baro kulan waali ahaa oo  ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Man City ku qaadaysay Arsenal weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 9-aad ayay Man City dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Erlin Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysay in ay madaxa kor u qaado iyada oo daafac kaliya ku jirtay iyada oo Man City maamulaysay ciyaarta.

Laakiin Waxa Man City dhaawac uga baxay xiddiga Rodri oo ay muuqatay muhiimada uu u leeyahay kooxda.

Daqiiqadii 2-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay daafaca Riccardo Calafiori kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 daqiiqad kadib markii Rodri ka baxay ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday in ay ka faa’iidaysato khal-khalka ku yimid Man City sabab la xidhiidha Bixitaanka Rodri waxana ay qaadayeen weeraro.

Daqiiqadii 45-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel ee daafaca uga ciyaara.

Arsenal ayaa daqiiqadii 45+8-aad kaadhka cas looga saaray xiddiga Leandro Trossard kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Qaybtii dambe oo dhan Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Arsenal ayaa si fiican u difaacatay.

Arsenal ayaa dhinaceeda wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolka iyada doonaysay in ay gacanta ku dhigto 3-da dhibcood.

Man City ayaa sii waday rabitaankooda ah in ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo aan marna ka niyad jabin in ay soo laabtaan.

Daqiiqadii 90+7-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana goolka u dhaliyay daafaca John Stones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro kulan waali ahaa oo ka dhacay Etihad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga