Waxa la ciyaaray 2 kulan horyaalka premier League laakiin waxa jira durba xiddigo wacdaro dhigay ilaa haatan.
Xiddiga Man City ee Haaland ayaa si dar-dar leh ku bilowday xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 4 gool 2-dii kulan ee uu ciyaaray.
Xiddiga Chelsea ee Noni Madueke ayaa wacdaro dhigay kulankii kooxdiisu xasuuqday Wolves waxana uu dhaliyay saddexley.
Waxa ku xiga xiddigaha Mohamed Salah oo u ciyaara Liverpool iyo Danny Welbeck kuwaas oo dhaliyay min 2 gool.
Halkan Kaga Bogo xiddigaha ugu goolasha badan Premier League ilaa haatan:
Erling Haaland (Man City) 4
Noni Madueke (Chelsea) 3
Mohamed Salah (Liverpool) 2
Danny Welbeck (Brighton) 2
Son Heung-Min (Tottenham) 2
Be the first to comment