Waa Maxay Sababta Dib Loogu Dhigay Ciyaarta Adag Ee Newcastle vs Manchester United?

Ciyaarta adag ee Sabtida ee Newcastle United iyo Manchester United ayaa laga dhigay waqti aan hore loo ciyaari jirin kulamada horyaalka Premier League ee maalmahan oo kale, waxaana loo riixay oo ay ciyaartu bilaabmi doontaa marka ay saacadda Geeska Afrika tahay 11pm, taas oo markii hore uu qorshuhu ahaa in ay bilaabanto 6pm waqtiga Geeska Afrika.

Taageereyaasha labada kooxood ayaa kasoo horjeedsaday waqtigan sababtoo ah waxay ciayartu dhamaan doontaa saqda dhexe, hase yeeshee horyaalka Premier League ayaa ku adkaystay in aan isbeddel la samayn doonin.

Manchester United oo ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, isla markaana lix dhibcood ka dambaysa Arsenal oo hoggaanka haysa, ayaa u baahan guul ay ka keento kulankan, halka Newcastle United ay hal dhibic ka dambayso Man United.

Waa maxay sababta dib loogu dhigay ciyaartan

Telefishanka TNT Sports oo iska leh xuquuqda baahinta horyaalka Premier League ee kulamada Sabtida ayaa isbeddel ku sameeyey waqtiga kulamada la ciyaarayo, waxaana uu telefishanku dib u dhigay xilliga ciyaartan Man United & Newcastle la dheelayo oo hore u ahaa 3pm waqtiga UK oo ku beegnayd 6pm saacadda Geeska Afrika.

TNT Sports waxa uu meesha ka saaray kulamadii la ciyaari lahaa 3.30pm, waxaana uu go’aamiyey in ciyaartii waqtigaas la dheeli lahaa loo riixo 6pm, taasina keentay in Manchester United dib loogu sii riixo 11pm.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga