Gary Neville oo magacaabay shaxda ugu fiican Manchester United kulanka Manchester City

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa tababare Michael Carrick u soo jeediyay shaxda uu aaminsan yahay inay tahay tan ugu fiican kooxda, xilli United ay isku diyaarinayso derby-ga adag ee ay Axadda Old Trafford kula ciyaari doonto Manchester City, Neville ayaa sheegay in haddii isaga laga doonayo inuu doorto 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiican United, uu safka hore gelin lahaa Marcus Rashford, Bryan Mbeumo, Matheus Cunha iyo Bruno Fernandes.

Shaxda uu Neville soo jeediyay ayaa ah: Senne Lammens; Diogo Dalot, Luke Shaw, Harry Maguire, Lisandro Martínez; Youri Tielemans, Kobbie Mainoo; Marcus Rashford, Bryan Mbeumo, Matheus Cunha iyo Bruno Fernandes, Arrinta xusidda mudan ayaa ah in Neville uu shaxdan ku daray Rashford, iyadoo xiddiga reer England uu ka mid ahaa ciyaartoydii United la filayay inay iibiso intii lagu jiray suuqa xagaaga.

Neville wuxuu sheegay in Manchester United ay ku xisaabtamaysay inay lacag ka hesho iibka Rashford iyo Joshua Zirkzee, balse qorshahaasi uusan u dhicin sidii kooxda filaysay. United ayaa sidoo kale filaysay inay Zirkzee ka hesho lacag u dhexeysa £10 milyan iyo £20 milyan, Dhanka kale, Neville wuxuu tilmaamay in marka uu Carlos Baleba, oo United ku kacay £70 milyan, kasoo laabto dhaawaca, Carrick laga yaabo inuu beddelo qaabka kooxda, isagoo adeegsanaya saddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah.

Neville ayaa aaminsan in United ay u baahan tahay inay si weyn u hagaajiso difaaceeda, isagoo ka digay in haddii kooxda ay sii waddo inay kulan kasta goolal iska dhaliso, ay halis ugu jirto inay seegto Champions League.

Kulanka Manchester United iyo Manchester City ayaa sidaas darteed noqonaya imtixaan weyn oo Carrick iyo kooxdiisa ah, gaar ahaan iyadoo City ay Premier League ku bilowday saddex guulood oo xiriir ah, halka United ay dhibco ka lumisay Hull City iyo Everton.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga