RASMI: Carlo Ancelotti Oo Ku Dhawaaqay Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Granada Ee Sabtida Iyo Xogta Dhaawaca Jude Bellingham

Carlo Ancelotti ayaa meesha ka saaray walaac maanta duhurkii soo baxay oo ku saabsanaa taam ahaanshaha xiddiga reer England ee Jude Bellingham, kaas oo la wariyey in uu dhaawac kaga baxay tababarkii maanta oo 10 daqiiqadood oo kaliya uu qaatay.

Tababaraha Talyaaniga ayaa sheegay, in Jude Bellingham ay jug kasoo gaadhay kuraanta ciyaartii Salaasadii ee Napoli ay 4-2 ku garaaceen, isla markaana ay isaga iyo dhakhaatiirtu go’aansadeen in aanu tababarka la qaadan ciyaartoyda kale, si aanay cidi u taabanin kuraanta ay jugtu ka gaadhay, waxaana uu xaqiijiyey in uu ciyaari doono kulanka Granada.

Los Blancos ayaa waxa ay garoonkeeda Santiago Bernabeu kusoo dhoweyn doontaa Granada, waxaana sidoo kale usoo laabtay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalga ee ay amaahda kaga soo qaateen Chelsea oo dhaawac ku maqnaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Ancelotti ayaa xaqiijiyey in Kepa uu kaydka ku jiri doono oo uu Andriy Lunin kusoo bilaaban doono ciyaarta Granada, isla markaana noqon doonto kulankii shanaad oo xidhiidh ah ee uu goolhayaha reer Ukraine ciyaarayo, balse kulanka Real Betis uu dheeli doono Kepa.

Nico Paz oo wacdaro ka dhigay ciyaartii Napoli oo uu dhaliyey gool qurux badan, sidoo kalena beddel ku yimid kulankii Cadiz ee Axaddii ayaa mar kale lagu soo daray liiska ciyaartoyda Real Madrid. Waxa kale oo ku jira wiilka uu dhalay Zinedine Zidane ee Theo Zidane, Mario Martin iyo Gonzalo Garcia oo dhamaantood looga yeedhay da’yarta, balse waxa wali dhaawac ku maqan Luka Modric, Vinicius Junior, Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni iyo Thibaut Courtois.

Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Granada ee Sabtida
Goolhayeyaal:
  Lunin, Kepa, Cañizares.
Difaacyahanno:  Dani Carvajal, David Alaba, Nacho Fernandez, Lucas Vazquez, Fran García, Antonio Rüdiger, Ferland Mendy.
Khadka Dhexe:  Jude Bellingham, Toni Kroos, Federico Valverde, Dani Ceballos, Mario Martín, Nico Paz, Theo Zidane.
Weeraryahanno:  Rodrygo Goes, Joselu Mata, Brahim Diaz, Gonzalo Garcia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga