Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa amaanay maskaxda iyo dadaalka ciyaartoydiisa kaddib markii kooxdiisu guul muhiim ah ka gaartay Rayo Vallecano, Real Madrid ayaa Sabtidii 4-1 kaga adkaatay Rayo Vallecano, kulan ka tirsanaa toddobaadka shanaad ee LaLiga xilli ciyaareedka 2026/27.
Mourinho ayaa sheegay in Real Madrid ay ciyaarta si degdeg ah u xallisay qeybtii hore, inkastoo kooxdu saddex maalmood oo keliya ka hor ay ciyaar adag la soo gashay Inter Milan oo ka tirsan Champions League :- “Waxay ahayd saddex dhibcood oo aad muhiim u ah, Guushu mar walba waa muhiim, gaar ahaan kaddib guushii aan kulankii hore ka gaarnay horyaalka,” ayuu Mourinho yiri.
Tababaraha reer Portugal ayaa qiray in ciyaartoydiisa ay muujiyeen daal, gaar ahaan dhanka maskaxda iyo jirka, balse uu ku faraxsanaa sida ay ciyaarta u dhammeeyeen.
Mourinho ayaa sidoo kale ka hadlay fursadaha badan ee Real Madrid ay abuurtay balse aysan dhammeystirin, isagoo sheegay in kooxdu maalin uun si weyn uga faa’iideysan doonto fursadahaas:- “Waxaan dhalinaa goolal badan, laakiin sidoo kale waxaan luminnaa fursado aad u badan, Maalin ayaa imaan doonta koox bixin doonta qiimaha dhammaan fursadaha aan khasaarinay, waxaana ka dhalin doonnaa lix ama toddobo gool marka wax walba si fiican isugu dhacaan.”
Mourinho ayaa intaas ku daray inuu fahamsan yahay sababta Real Madrid ay qeybtii labaad xoogaa gadaal ugu laabatay, maadaama aysan jirin awood ay ku sameyn karto isbeddello badan, isla markaana ciyaartoydu ay kasoo baxeen kulan culus oo Champions League ah.
Wuxuu sidoo kale sharaxay in Federico Valverde laga saaray ciyaarta si taxaddar ah, maadaama uu kulankii Inter Milan ku ciyaaray isagoo qaba dhaawac yar, Ugu dambeyn, Mourinho wuxuu sheegay in aan mar walba suurtagal ahayn in kooxdu sameyso cadaadis sare, gaar ahaan marka ay wajahdo koox adag, balse uu ku qanacsan yahay in Real Madrid ay heshay guul muhiim ah oo ay si buuxda ugu qalantay.
Be the first to comment