HORDHACA:- Real Madrid vs Rayo Vallecano: Los Blancos oo doonaya inay dib ugu soo laabtaan guulaha

Real Madrid ayaa Sabtida habeenkii 12 Sebtembar 2026 garoonka Santiago Bernabéu ku qaabilaya Rayo Vallecano, kulan ka tirsan wareegga 5-aad ee La Liga, Kooxda Real Madrid ayaa kulankan u baahan saddexda dhibcood kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka 1-0 kaga soo adkaadeen Real Betis, Guuldarradaas ayaa ahayd markii ugu horreysay ee ay dhibco lumiyaan xilli ciyaareedkan, waxaana hadda ay 3 dhibcood ka dambeeyaan Barcelona.

Si kastaba, kooxda José Mourinho ayaa niyad fiican ku jirta kadib markii ay Champions League-ga ku bilaabatay guul, iyadoo 2-1 kaga adkaatay Inter Milan. Kylian Mbappé iyo Federico Valverde ayaa dhaliyay labada gool ee Real Madrid.

Dhanka kale, Rayo Vallecano ayaa xilli ciyaareedka si adag ku bilaabatay, iyadoo saddexdii kulan ee ugu horreeyay ay heshay hal dhibic oo keliya. Waxaa sidoo kale kooxda ku dhacay dhibaato garoonkeeda ah, taasoo keentay inay kulamadeeda ku ciyaarto garoon ku-meel-gaar ah.

Rayo ayaa kulankeedii ugu dambeeyay horyaalka 3-2 kaga adkaatay Racing Santander, iyadoo Sergio Camello uu laba gool dhaliyay.

Inkasta oo afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ay ku dhammaadeen barbaro, haddana Real Madrid ayaa Bernabéu ku leh awood weyn. Los Blancos 17 kulan oo xiriir ah lagama badin gurigeeda marka ay Rayo Vallecano la ciyaarayso, iyadoo 15 ka mid ah ay guuleysatay.

Eduardo Camavinga iyo Arda Güler ayaa fursad u leh inay kusoo laabtaan shaxda kadib ganaaxii Champions League. Aurélien Tchouaméni ayaa sidoo kale kasoo laabtay dhaawac, isagoo Inter kasoo muuqday qeybtii labaad, Vinícius Júnior iyo Kylian Mbappé ayaa la filayaa inay hoggaamiyaan weerarka Real Madrid, halka Fede Valverde iyo Jude Bellingham ay khadka dhexe muhiim ka noqon doonaan.

Rayo waxaa ka maqnaanaya Augusto Batalla, Marash Kumbulla, Óscar Valentín iyo Raúl de Tomás oo dhaawacyo qaba. Fran Pérez iyo Jorge de Frutos ayaa sidoo kale ganaax ku maqan kadib markii laga saaray kulankii Racing Santander.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga