Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guulaha, kaddib markii ay 4-1 ku garaacday Rayo Vallecano kulan ka tirsanaa wareegga shanaad ee LaLiga, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Santiago Bernabéu, Xiddiga reer France Kylian Mbappé ayaa noqday geesiga kulanka, isagoo dhaliyay laba gool, halka sidoo kale uu sameeyay caawin, taasoo ka caawisay kooxda José Mourinho inay si xooggan uga soo kabato guuldarradii kulankii hore.
Real Madrid ayaa ciyaarta hoggaanka qabatay daqiiqaddii 14-aad, markii Mbappé uu si kalsooni leh u dhaliyay rigoore, isagoo sidaas ku saxay rigoorihii uu ku fashilmay kulankii ay 1-0 kaga soo adkaatay Real Betis, Daqiiqado yar kaddib, Mbappé ayaa door ka qaatay goolka labaad ee Madrid. Daqiiqaddii 17-aad, wuxuu kubadda u sameeyay Álvaro Carreras, kaas oo shabaqa ku hubsaday si uu Los Blancos ugu dhigo 2-0.
Real Madrid ayaa sii wadatay cadaadiska, waxaana daqiiqaddii 35-aad goolka saddexaad dhaliyay Jude Bellingham, kaddib markii uu kubad ka helay Vinicius Junior, isagoo gudaha xerada ganaaxa si fiican uga dhaliyay, Rayo Vallecano ayaa qeybtii labaad isku dayday inay ciyaarta dib ugu soo laabato, waxaana daqiiqaddii 51-aad gool u dhaliyay Sergio Camello, kaddib qalad ay sameeyeen difaaca Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, Rayo ma aysan awoodin inay sii wadaan cadaadiska, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyay Mbappé uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo kii afaraad ee Real Madrid, kaddib kubad uu ka helay Arda Güler, Ugu dambeyn, Real Madrid ayaa 4-1 ku adkaatay Rayo Vallecano, iyadoo guushan ay Los Blancos ka caawisay inay dib u hesho kalsoonideeda.
Natiijadan ayaa Real Madrid gaarsiisay 12 dhibcood, waxayna u kacday kaalinta 2-aad ee LaLiga, halka Rayo Vallecano ay ku hartay 4 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 15-aad, Mbappé ayaa markale muujiyay muhiimaddiisa Real Madrid, isagoo labo gool ka dhaliyay kulanka, waxaana uu hoggaamiyay kooxdiisa guul muhiim ah oo ay ku soo ceshatay saddexda dhibcood.
Be the first to comment