SAADAAL: Newcastle 3-1 Man United, Tottenham 2-4 Man City – Saadaasha Chris Sutton Ee Premier League Ee Toddobaadkan

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaari doonaa kulamadii 14aad, waxaana ballansan kooxo waaweyn oo natiijooyinkoodu ay saamayn ku yeelan doonaan figta sare ee miiska kala-sarraynta iyo boosaska loogu adagaallamayo afarta sare.

Tottenham oo guul-darraysatay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ayaa safar ugu tegi doonta Manchester City, halka Manchester United ay iyaduna marti u noqon doonto Newcastle United oo ay ugu tegayso St James’ Park.

Khabiirka ciyaaraha Chris Sutton oo saadaaliyey kulamada horyaalka Premier League, ayaa waxa uu diiday in Manchester City ay guul la’aan ahaato ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah maadaama ay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhibco lumisay oo ay barbarro la gashay Chelsea iyo Liverpool, waxaana uu Sutton libin siiyey City halka uu Tottenham guul-darradii afraad oo xidhiidh ah ugu sii bushaareeyey.

Waxa kale oo uu Chris Sutton guul-darro iyo murugo kale u saadaaliyey Manchester United oo uu xusay in lagu soo duban doono St James’ Park marka ay fiidka Sabtida safarka ku tagto, hase yeeshee Arsenal ayaa sii xajisan doonta hoggaanka horyaalka oo Premier League, marka ay Emirates Stadium kusoo dhoweyso Wolves.

Waxa kale oo libin heli doona Liverpool oo kusoo laaban doonta jidka guusha Premier League, waxaanay saddexda dhibcood iyo saddex gool oo nadiif ah ka heli doontaa Fulham, halka Chelsea ay guuleysan doonto marka ay soo dhoweyso Brighton.

Saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 14aad ee horyaalka Premier League

Sabti

Arsenal 2-0 Wolves

Brentford 2-0 Luton

Burnley 1-1 Sheffield United

Nottingham Forest 0-1 Everton

Newcastle United 3-1 Manchester United

Axad

Bournemouth 1-1 Aston Villa

Chelsea 3-2 Brighton

Liverpool 3-0 Fulham

West Ham 1-1 Crystal Palace

Man City 4-2 Tottenham

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga