Waa Kuma Xiddiga Ay Dhamaan Xiddigaha Man United La Yaabeen In Uu Ten Hag Iska Iibiyay Suuqii Xagaaga.

Bruno Fernandes ayaa si maldahan u sheegay in xiddigaha Man United ay la yaabeen go’aankii uu Erik Ten Hag ku iibiyay mid ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya kooxda Man United.

Red Devils ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan inkasta oo ay lacag badan suuqa galisay oo ay kula soo saxiixdeen Xiddigo ay ka mid yihiin Matthijs de Ligt, Joshua Zirkzee iyo Manuel Ugarte.

Erik Ten Hag ayuu mar kale cadaadis saaran yahay laakiin tababaraha ayaa isku halaynaya xiddigaha da’yarka ah oo ay ka mid yihiin Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho & Rasmus Hojlund.

Inkasta oo uu xiddigaha da’yarka ah fursada siinayo isla markaas ku bilaabayo kulamada waxa la yaab leh in uu ogolaaday in uu kooxda ka tago da’yarka Maxi Oyedele oo ku biiray ku biiray Legia Warsaw.

19-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Forest Green xilli ciyaareedkii hore kaas oo qaar badan, oo uu ku jiro Fernandes ay u arkeen in uu kooxda 1-aad ku soo bixi karo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga