Real Madrid Oo Barcelona Ku Eedaysay Laaluush

Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona uu “si buuxda u burburay”.

Perez ayaa sidoo kale ku eedeeyay kooxda Catalanka inay laaluush siinayeen garsoorayaal muddo labaatan sano ah.

Wareysi uu siiyay El Chiringuito, ayuu ku dalbaday in cadaalad laga helo kiiska Negreira.

“Xiriirka aan la leeyahay Barcelona gabi ahaanba wuu burburay,” ayuu yiri Perez.

“Ma doonayo wax xiriir ah oo aan la yeesho koox bixisay lacag lagu laaluusho garsoorayaal muddo labaatan sano ah.”

“Waxaan doonayaa in cadaalad laga sameeyo kiis culus sida Negreira.”

Madaxweynaha Real Madrid ayaa sidoo kale shaaciyay in kooxda ay toddobaadka dambe u gudbin doonto UEFA warbixin ka kooban 500 bog, taasoo uu sheegay inay diiwaangelinayso cadaalad-darrooyin isboorti oo muddo dheer socday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga