Tababaraha Benfica, Jose Mourinho, ayaa ugu dambayn heshiis la gaaray kooxda Real Madrid si uu ugu laabto kooxda ka dhisan LaLiga.
Sida ay sheegtay Marca, Mourinho ayaa lagu wadaa inuu ka tago kooxda reer Portugal dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Real Madrid ayaa Benfica siin doonta lacag ku dhow €3 milyan si looga fasaxo heshiiskiisa hadda jira ee kooxda.
Mourinho laftiisa ayaa shaaciyay inuu diiday dalab cusub oo uga yimid Benfica, isagoo isu diyaarinaya inuu qabto shaqada Real Madrid.
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Pérez, ayaa ugu dambayn go’aansaday inuu Mourinho dib ugu soo celiyo kooxda kadib markii ay laba xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhammaatay iyagoo aan wax koobab ah qaadin.
Tababaraha hadda ee kooxda, Álvaro Arbeloa, oo bishii Janaayo beddelay Xabi Alonso, ayaa la filayaa inuu baxo kadib kulanka ugu dambeeya ee horyaalka.
Be the first to comment