Kooxda reer England ee Manchester City ayaa baadi goob ugu jirta sidii ay u heli lahayd badalka macalinkeeda reer Spain ee Pep Guardiola, iyadoo la filayo in tababaraha uu go’aansado inuu baxo.
Guardiola ayaa lala xiriirinayaa suurtogalnimada inuu isaga tago Manchester City, maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in la isla dhex maro cidda bedeli karta.
Guardiola ayaan wali soo bandhigin in uu doonayo in uu qandaraaska u kordhiyo Manchester City iyo in kale.
Wargeyska Athletic ayaa shaaca ka qaaday in Manchester City ay u fiirineyso Arteta inuu yahay dookha suurtagalka ah ee ay ku badali karto Pep Guardiola.
Arteta waxa uu Guardiola kula soo shaqeeyay Manchester City ka dibna waxa uu la wareegay shaqada tababaranimo ee Arsenal, isaga oo ka dhigay koox u tartamaysa horyaalka premier League.
Wararka ayaa intaas ku daraya in aanu jirin wax calaamad ah oo muujinaya in uu Arteta ka tagi doono Arsenal si uu u noqdo tababaraha Man City.
Be the first to comment