10 Ciyaartoy Oo Ka Tagi Kara Real Madrid Suuqa Xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa isu diyaarinaysa inay isbeddel ballaaran ku sameyso kooxdeeda koowaad inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda, iyadoo ilaa toban ciyaaryahan ay suuragal tahay inay ka tagaan kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan. Tani waxay qayb ka tahay qorshe dib-u-habeyn dhameystiran ah kadib laba xilli ciyaareed oo xiriir ah oo ay kooxdu ku dhamaysatay iyadoo aan wax koobab ah ku guuleysan. Go’aamadan ayaa la filayaa in loo bandhigo tababaraha cusub ee la filayo inuu noqdo tababaraha reer Portugal José Mourinho.

Sida uu qoray wargeyska  Mundo Deportivo, maamulka Real Madrid ayaa durba bilaabay inay qiimeeyaan xaalado badan oo kooxda dhexdeeda ah. Goolhayaha reer Ukraine Andriy Lunin ayaa loo arkaa ciyaaryahanka ugu horreeya ee laga yaabo inuu baxo, inkastoo uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan mar kasta oo uu ciyaaro, maadaama kooxda ay doonayso inay kooxda koowaad kusoo darto goolhayaha da’da yar ee Javi Navarro.

Dhinaca daafaca, waxaa la xaqiijiyay in Dani Carvajal iyo David Alaba ay ka tagi doonaan kooxda marka ay qandaraasyadoodu dhammaadaan iyada oo aan la cusboonaysiin. Real Madrid ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa inay iska fasaxdo mid ka mid ah daafacyada bidix, gaar ahaan Fran García, kadib saxiixa cusub ee Álvaro Carreras. Halka xaaladda Ferland Mendy ay weli mugdi ku jirto dhaawacyo darteed, iyadoo ay jirto suuragalnimo heshiis lagu burinayo qandaraaskiisa.

Khadka dhexe, liiska ciyaartoyda laga yaabo inay baxaan waxaa ku jira saddex ciyaaryahan: Dani Ceballos oo hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa, iyo sidoo kale Eduardo Camavinga iyo Federico Valverde. Warbixintu waxay sheegtay in qaab ciyaareedka Camavinga aanu gaarsiisnayn heerkii laga filayay, halka xaaladda Valverde ay timid kadib dhacdadii la xiriirtay Aurélien Tchouaméni. Waxaa sidoo kale la sheegay in labada ciyaaryahan ay si fudud uga tagi karaan kooxda maadaama kooxo badan ay xiiseynayaan.

Dhanka weerarka, Gonzalo ayaa kamid ah ciyaartoyda laga yaabo inay baxaan kadib markii uu waayay fursado badan oo uu ku ciyaaro inta lagu jiray xilli ciyaareedka, inkastoo uu si weyn uga dhex muuqday Koobka Adduunka ee Kooxaha, halkaas oo Xabi Alonso uu si weyn ugu tiirsanaa, halka doorkiisa uu yaraaday dhammaadka xilli ciyaareedka xilligii Álvaro Arbeloa.

Warbixintu waxay sidoo kale caddeysay in mustaqbalka Vinícius Júnior uu weli mugdi ku jiro, maadaama qandaraaskiisu socdo ilaa Juun 30, 2027, isla markaana aan weli heshiis laga gaarin cusboonaysiinta qandaraaskiisa. Waxaa jirta suuragalnimo in kooxda ay ka fikirto iibintiisa xagaaga haddii aan heshiis cusub la gaarin, si looga fogaado inuu si bilaash ah uga tago dhammaadka xilli ciyaareedka xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga