WARBIXIN: Khaladka Ugu Weyn Ee Ay Kooxdaadu Samaysay Xilli Ciyaareedkan.

iyada oo la marayo kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalada waaweyn ee qaarada yurub.

Kooxo badan ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed niyad jab leh inkasta oo laga filayay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.

Kooxo badan ayaa sameeyay khaladaad sababay qaab ciyaareedkooda liita ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedkan.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 7 khalad oo waaweyn oo sababay dhibaatada kooxdaada.

Khaladaadka ugu waaweyn ee la xusay waxaa ka mid ah:

  • Real Madrid qaladkooda ugu weyn waxa uu ahaa magacaabista Xabi Alonso halkii uu ka beddeli lahaa Carlo Ancelotti. Waxaa lagu eedeeyay inuusan xakamayn karin xiddigaha waaweyn ee kooxda sidaVinícius Júnior iyo Rodrygo.
  • Chelsea Khaladkooda ugu weyn ayaa ahaa inay ceyriyeen Enzo Maresca inkastoo uu kooxda horumar ka sameeyay.
  • Tottenham Hotspur – Waxaa lagu dhaliilay inay shaqada ka eryeen Ange Postecoglou kadib markii uu kooxda koob u horseeday.
  • Manchester United FC – Qoraalku wuxuu sheegay in kooxda ay ku daahday ceyrinta Ruben Amorim, halka Michael Carrick uu markii dambe kooxda soo nooleeyay.
  • AC Milan – Waxaa lagu eedeeyay inay iibiyeen ciyaartoydoodii ugu muhiimsanaa iyagoo aan keenin beddel tayo leh.
  • Liverpool – Khalad weyn ayaa ah iibinta Luis Díaz iyagoo aan keenin ciyaaryahan la mid ah.
  •  Barcelona – Waxaa lagu sheegay inay sameyn waayeen “saxiixyo waaweyn” si ay dhaqaale ugu helaan saxiixyo cusub.
  • Arsenal – saxiixa Kepa Arrizabalaga ayaa ahaa qalad dhaawacay rajadooda koobab badan, gaar ahaan kadib qaladaadkiisii kulamada koobabka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga