Kooxda Manchester United ayaa guul weyn 3-0 ah ka gaartay Brighton & Hove Albion kulan ka tirsanaa wareegga 38-aad ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League.
Goolka koowaad waxaa dhaliyay Patrick Dorjo daqiiqaddii 33-aad, halka Bryan Mbeumo uu ku daray goolka labaad daqiiqaddii 44-aad. Xiddiga reer Portugal Bruno Fernandes ayaa dhammaystiray saddexleyda goolasha isagoo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 48-aad.
Guushan ayaa Manchester United ka dhigtay inay xilli ciyaareedka ku dhamaysato kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka iyagoo leh 71 dhibcood, taasoo u xaqiijisay u soo bixitaanka tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Dhanka kale, Brighton ayaa kusoo dhamaysatay kaalinta siddeedaad iyadoo leh 53 dhibcood, taasoo siisay inay u soo baxdo tartanka UEFA Europa Conference League.
Be the first to comment