Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaciyay waqtigii uu rumaystay in kooxdiisu ku guuleysan doonto horyaalka Premier League.
Kadib tartan adag oo ay la galeen Manchester City, Arsenal ayaa toddobaadkan noqotay horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo 2004.
Arteta ayaa hore kooxda ugu hoggaamiyay saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah inay kaalinta labaad galaan, balse ugu dambeyn wuxuu Arsenal u qaaday horyaalkeedii ugu horreeyay muddo 22 sano ah.
Bar-barihii Manchester City iyo Bournemouth habeenkii Salaasada ayaa Arsenal ka badbaadiyay in horyaalku gaaro maalinta ugu dambeysa, laakiin Arteta wuxuu sheegay inuu muddo bil ah horey ugu qancay inay kooxdiisu koobka qaadi doonto.
Markii la weydiiyay waqtiyadii ka dhigay inuu aamino in Arsenal horyaalka qaadi doonto, Arteta wuxuu u sheegay beIN SPORTS:
“Waqtigii ugu horreeyay wuxuu ahaa markii aan dhammaanteen isugu nimid diyaar garowgii xilli ciyaareedka cusub, toddobaadkii ka horreeyay kulankii Manchester United.
“Waxaan ciyaartoyda oo dhan weydiiyay waxa ay diyaar u yihiin inay kooxda u qabtaan. Waxay diyaar u ahaayeen wax walba oo kooxda faa’iido u leh, markaas ayaan ogaaday inaan fursad weyn u leenahay inaan ku tartanno dhammaan koobabka sababtoo ah waxaan haysanay tayo iyo koox qoto dheer.”
Arteta ayaa sidoo kale sheegay in guuldarradii ay kala kulmeen Manchester City bishii April ay sii xoojisay kalsoonidiisa.
“Maalintii aan ku luminay Manchester City ayaan is iri: ‘waan ku guuleysan doonaa.’
“Waxaan eegayay wajiyada ciyaartoyda qolka labiska. Aad ayay uga xumaayeen, laakiin waxay garteen inaan ka adkaan karno City oo aan ka fiican nahay.”
Wuxuu intaas ku daray:”Kadib waxaan diiradda saarnay waxa aan u baahanahay si aan horyaalka ugu guuleysanno, jawaabtii ay bixiyeenna waxay ahayd mid degdeg ah. Halkaas ayaan ka ogaaday inaan aad ugu dhowaanayno inaan ku guuleysanno.”
Arteta ayaa sidoo kale ka hadlay waqtigii Arsenal si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka:
“Waa mid kamid ah dareemadii ugu fiicnaa ee aan abid yeesho.
“Waxaan guriga joogay, banaanka beerta ayaan dab ka shiday oo barbecue sameynayay. Ciyaarta ma aanan daawanayn.
“Markaas si lama filaan ah wiilkayga weyn ayaa orod iigu yimid isagoo ooyaya, wuuna i habsiiyay isagoo leh: ‘Waxaan noqonnay horyaal, aabe.’”
Arsenal ayaa ugu dambeyn si weyn u dabaaldegtay hanashada horyaalka kadib guul ay ka gaartay Crystal Palace maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka.
Hadda Arsenal waxay diiradda saari doontaa finalka UEFA Champions League Final ee ay la ciyaari doonto Paris Saint-Germain usbuuca dambe.
Be the first to comment