Thierry Henry Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ay Arsenal Doonayso In Ay Ka Fogaato Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Thierry Henry ayaa u magacaabay Manchester City iyo Real Madrid labada kooxood ee ugu cadcad Champions League ka hor isku aadka sideed dhamaadka champions League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka Champions League ka dib markii ay rigoorayaal ku garaacday Porto.

Arsenal ayaa ku biiri doonta jimcaha isku aadka Champions League iyada oo ay ku aadi karaan midkood kooxaha City, Real Madrid, Barcelona, ​​Atletico Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain.

Henry ayaa aaminsan in aysan jirin koox sahlan oo lagu aadi karo heerkan tartanka, waxaana uu dareemayaa in City iyo Madrid ay yihiin kooxaha ay Arsenal doonayso in ay ka fogaato.

Markii la weydiiyay hadii uu u arko Dortmund inay tahay kooxda ugu diciifsan sideed dhamaadka Champions League, Henry wuxuu ku yiri CBS Sports: “Labada xaaladoodba waan ku jiray ciyaaryahan ahaan oo mararka qaar dadku ma rabin inay nala ciyaaraan Arsenal. mana aanan aadin meel fog, waxaanan haysanay koox markii aan aadnay finalka uma maleynayo inay tahay kooxdayada ugu fiican Arsenal”.

“Waxaan xasuustaa markii aan ku aadnay Real Madrid, qof walba uu qoslay sababtoo ah waxa ay yiraahdeen Arsenal waa kooxda aad rabto, anaga Juve iyo qof walba waxa uu dhahay, ‘Taasi waa isku aad fiican, ka dib waxaan la ciyaarnay Villarreal, oo aheyd koox fiican Waqtiga, ka dib waxay yidhaahdeen, way fiicantahay in aan ku aadnay Arsenal kadib waxa aan ku guuldaraysanay in aan badino final-ka”.

“Waxaan leeyahay, weligaa Ixtiraam daro ha u muujin kooxaha kale ee yurub”.

“Waxa jirta laba koox oo ay Arsenal doonayso in ay ka fogaato waana Real Madrid iyo Man City inta kale waxa aad dooranaysaa kooxda aad la ciyaari kartid”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga