Halyeeygii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa uga digay kooxdiisa hore in kulanka lugta hore ee nus-dhamaadka UEFA Champions League ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid Arbacada uu noqon doono mid ka duwan kii hore.
Arsenal waxay horay 4-0 ugu garaacday kooxda uu hoggaamiyo Diego Simeone garoonka Emirates Stadium intii lagu jiray wareegga league-ga Champions League xilli ciyaareedkan.
Si kastaba, Henry wuxuu aaminsan yahay in kulanka Arbacada ee ka dhacaya Riyadh Air Metropolitano uusan la mid noqon doonin kii Emirates.
Wuxuu yiri:
“Atletico waxay ku guuldareysatay Emirates, waxaan u maleynayaa 4-0 wareegga league-ga, taasoo wax badan kuu sheegi mayso, balse waxay kuu muujineysaa inaan fursado abuurnay.
“Laakiin waxay noqon doontaa mid ka duwan (Arbacada marka la joogo Riyadh Air Metropolitano).”
Be the first to comment