Son Heung-min Oo Raali Galin Ka Bixiyay Khasaarintii Fursadii Kulankii Man City.

Son Heung-min ayaa raali galin ka bixiyay Fursadii uu khasaariyay kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Kabtanka Tottenham ayaa helay fursad uu ku dhalin karay goolka bar-baraha kulankii Salaasadii kulankii Man City laakiin si lama filaan ah ayuu u khasaariyay.

Taageerayaasha Arsenal oo si aad ah u doonayay in ay Tottenham dhibco ka qaadato Man City ayaa dhaleecayn xoogan u jeediyay xiddiga.

“Anigu waxa aan ahay Bani aadam”ayuu Son yidhi.

“Goolhayaha ayaa qaatay go’aan hore waxana uu isku ballaadhiyay hortayda”.

“Laakiin waxa aan dusha saaranayaa masuuliyada in aanan dhalin, waxa ay ahayd fursad u fiican kooxda sababta oo ah si adag ayaan u shaqaynaynay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga