Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Premier League Ka Hor Maalinta Ugu Dambaysa Ee Horyaalka

Mikel Arteta ayaa wali aaminsan in Arsenal ay ku guulaysan karto horyaalka Premier league inkasta oo ay Manchester City guul ka gaadhay Tottenham.

Rajadii Arsenal ee ahayd in ay Soo afjari 20-ka Sano ee ay sugaysay horyaalka ayaa god madaw ku Sii dhacayaa Kadib markii ay Man City badisay kulankii baaqiga u Ahaa isla markaas haatan 2 dhibcood ku hogaamiyso premier league.

Arsenal ayaa haatan galaya maalinta ugu dambaysa horyaalka iyaga Oo rajaynaya in ay West Ham dhibco ka qaadato city isla markaas ay iyaguna ka badiyaan Everton.

Inkasta Oo ku guulaysiga horyaalka premier league ka baxsantahay gacantooda hadana Arteta Ayaa aaminsan in ay Kooxdiisu ku guulaysan Karto Horyaalka Premier League.

Isagoo ka hadlayay safaaradda Isbaanishka fiidnimadii Arbacada ka dib markii la siiyay sharta boqortooyada Spain ayaa la Waydiiyay in arintan calaamad u tahay in ay Kooxdiisu ku guulaysan doonto horyaalka premier league.

‘Waxaa laga yaabaa inay tahay calaamadii aan u baahanahay, gaar ahaan wixii dhacay xalay Habeenka Salaasadii]”

“Laakiin waxaan haysanaa maalin qurux badan oo nagu soo fool leh Axadda waxaana rajeyneynaa in mucjiso dhacdo”.

“Marka hore waa in Aan qabano shaqadeena Oo aan badino kulankeena, waan ognahay waxa aan u baahantahay Si aan ugu guulaysano horyaalka”.

“Tani waa qaybta ugu fiican, dagaalka horyaalka ilaa maalinta u dambaysa”

“Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee koobka Premier League uu halkaas ku sugo Emirates tan iyo markii la dhisay, iyadoo ay ku dul xiran yihiin xargaha cas, sababtoo ah haddii aan ku guuleysano anaga ayaa iska leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga