Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Kooxda Man City ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda leeds United taas oo la macno ah in ay Man United haatan kaliya 11 dhibcood ka dambayso kooxda ay jaarka yihiin tartanka horyaalka kadib guushii soo laabashada lahayd ee ay ka gaadheen Tottenham.

West Ham ayaa ku laabatay kaalinta 4-aad kadib markii ay guul 3/2 ah ka gaadheen Leicester City halka ay chelsea ku jirto kaalinta 5-aad kadib markii ay 4/1 ku garaacday Crystal Palace.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay Aston Villa halka ay Newcastle garaacay kooxda Burnley iyada oo Wolves dhankeeda 1/0 uga badisay Fulham.

Arsenal ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda ugu hoosaysa ee Sheffield United halka ay West Brom garaacay kooxda Southampton ka hor inta ayna Brighton bar-baro la galin kooxda Everton.

Shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan champions leageu iyaga oo soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay kulamadii todobaadkan.

Kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ayaa min 2 xiddig ku leh shaxda halka kooxaha West Ham, Man United, Leeds, Newcastle United iyo West Brom min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.

Garth team of the week

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*