Waxa la soo afjaray todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.
Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa gaadhay guulo muhiima ah horyaalka premier League.
Arsenal iyo chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh galay kulamadii ay ciyaareen horyaalka.
Xiddigo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo ay si weyn u caawiyeen kooxohooda.
Kadib kulamadii Todobaadkan BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League.
Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig kadib markii ay garaaceen Man United.
Kooxda Aston Villa ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Brentford, Man City, Crystal Palace iyo Wolves ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Be the first to comment