Bruno Fernandes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guuldaradii Liverpool.

Bruno Fernandes ayaa qirtay in Manchester United aysan diyaar u ahayn inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay Liverpool kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaa horyaalka premier League.

Sidoo kale Man United ayaa laga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa haatan markii la ciyaaray 3 kulan premier League.

Natiijadu waxay la macno tahay in United ay lix dhibcood ka hoosayso Manchester City iyo Liverpool, kuwaas oo labaduba badiyay saddexdii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa wax ka badan 205 milyan suuqa galiyay kulana soo saxiixday saxiixyo cusub suuqii xagaaga kadib markii ay kaalinta 8-aad kaga dhamaysteen premier Legaue.

Si kastaba ha ahaatee, Fernandes ayaa aaminsan in United aysan wali awoodin ku guuleysiga horyaalka Premier League wuxuuna sheegay in 4-ta boos ee ugu sareeya yahay bartilmaameedka ugu muhiimsan.

“Ma ahan inaan eegno natiijooyinka, wixii aan idhi ee dib u cusboonaysiinta waa mid wakhti dheer soconaya”ayuu Fernendez yidhi.

“Si fiican ayaan uga warqabaa in United aysan diyaar u ahayn, xilligan, inay ku guuleysato horyaalka. Waanu u dagaalamaynaa”.

“Ujeedada ugu yar waa in aan ku dhamaysan 4-ta boos ee ugu sareeya si aan ugu soo baxno chamapions League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga