Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Liverpool Iyo Chelsea Oo La Soo Saaray Ka Hor Final-ka Carabao Cup-ka.

Kulankii ugu horeeyay ee final Maxali ah ayaa dhici doona Axada iyada oo chelsea iyo Liverpool ku dagaalami doonaan koobka Carabao cup-ka.

Kooxda Klopp ayaa soo garaaacday kooxaha Leicester City, Bournemouth, West Ham United & Fulham iyada oo gaadhay final-ka markii 14-aad taariikhdooda.

Kooxda chelsea ayaa dhinacooda garaacday kooxaha Newcastle United, Brighton & Hove Albion, Blackburn Rovers iyo Middlesbrough si ay u gaadhaan final-ka.

Ka hor kulanka labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah kuwaas oo ka mid xiddigaha ugu fiican premier League.

Waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la dooranayo xiddigaha taamka u ah kulanka Axada.

Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay chelsea ku leedahay kaliya 3 xiddig.

CHE-LIV combined XI

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga