Arsenal Oo Taariikh Samaysay Kulankii Ay Garaaceen Newcastle.

Arsenal ayaa taariikh ka dhigtay horyaalka Premier League intii ay socotay guushi ay ka gaadheen Newcastle United.

Ka dib markii ay Liverpool badisay bartamihii isbuuca, Manchester Cityna ay garaacday Bournemouth galabnimadii sabtida, Gunners ayaa la ciyaartay Newcastle iyaga oo 5 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka premier League.

Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Mikel Arteta ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray iyagoo 2/0 ku hogaamiyay Newcastle qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe Arsenal ayaa u awood sheegatay Newcastle waxana goolal u dhaliyay xiddigaha Saka iyo Kiwior iyaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0

Intii lagu guda jiray guushii ay ka gaareen Magpies, Gunners ayaa sameysay taariikhdeeda Premier League.

Sida laga soo xigtay TNT Sports, Arsenal ayaa dhalisay 17 gool tan iyo markii ugu dambeysay ee hal gool laga dhaliyay, taasoo ah wakhtigii ugu dheeraa aan koox gool laga dhalin premier League.

Rikoodhkaas waxa soo afjaray xiddigii hore ee Arsenal Joe Willock kaas oo dhaliyay gool daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii ay Gunners garaacday Newcastle.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga