Waa Maxay Faa’iidada Ayna Dad Badan Ogayn Ee Ay Chelsea Dheertahay Liverpool Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxda chelsea ayaa la ciyaari doonta Liverpool final-kii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo lagu kala bixi doono koobkii ugu horeeyay.

Labada kooxood ayaa isku diyaarinaya in ay kor u qaadaan koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Liverpool waxa ay doonaysaa in ay ku guulaysato koobka si ay ugu macasalaameeyaan Klopp oo hogaamin doona kulankiisii ugu dambeeyay ee tartanka Carabao cup-ka.

Chelsea ayaa dhankeeda doonaysa in ay ku guulaysato koobka si ay uga baxdo xilli ciyaareedka niyad jabka leh ee ay ku jirto.

Xilli ay Liverpool ku jirto kaalinta 1-aad ee premier League, chelsea ayaa ku dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan mana ahan wax lama filaan ah in Liverpool loo arko kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga koobka.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa haysata faa’iido yar oo laga yaabo in ayna dad badan aqoon u lahayn ama ayna ogayn.

Fa’iidadaas ayaa ah in ay chelsea haysato faa’iidada Guriga maadama ay ka dhisantahay London halka ay Liverpool ka imanayso magaalo kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga