Ryan Babel Oo Tilmaamay Xiddig Sabab U Ah Dhibaatada Andre Onana.

Saxiixiibkii hore ee Goolhayaha Man United Andre Onana ee Ryan Babel ayaa daafac Man United u ciyaara ku eedeeyay in uu sabab u yahay qaab ciyaareedka Liita ee Goolhayaha reer Cameroon.

Onana ayaa wakhti adag ku qaadanaya Old Trafford Laakiin Babel oo kaga soo garab ciyaaray Ajax ayaa Daafaca Man United ku eedeeyay qaab ciyaareedka Liita ee xiddiga.

United ayaa badisay kala badh kulamada horyaalka iyaga oo 13 dhibcood u jira kaalmaha loogu soo boco champions League sidoo kale 26 dhibcood u jira hogaamiyayaasha horyaalka.

Onana ayaa la kulmay dhaleecayn aad u badan isaga oo sameeyay khaladaad aad u badan.

Babel ayaa sheegay in Harry Maguire uu sabab u yahay qaab ciyaareedka Liita ee Goolhaye Onana.

“Andrea Onana waa goolhaye cajiib ah, anga ayaa ka soo garab ciyaaray waxana uu leeyahay awodii uu ku soo bandhigay Inter”ayuu Babel yidhu.

“Laakiin markii uu Man United yimdi aad ayuu u dhibaatootay waxana jirta sabab ka dambaysa arintaas”.

“Aniga oo Ixtiraam u haya, Harry Maguire ayaa dhibaato ku ah Onana isaga ayaana sababa khaladkaadka uu smaeeyo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga