
Tababarha kooxda Man United ayaa difaacay go’aankiisa ku aadan inuu boos aan booskiisa ahayn ka ciyaarsiiyo xiddiga cusub ee kooxdiisa Patrick Dorgu.
Saxiixa cusub ee Manchester United ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxdiisa kulankii muranka dhaliyay ee ay 2-1 kaga badiyeen Leicester kulan ka tirsanaa FA Cup.
.Dorgu aad ayuu ugu raaxaystaa dhanka bidix, Diogo Dalot ayaana doorbidaya inuu dhanka midig joogo.
Laakin Amorim ayaa ka yaabiyay taageerayaasha isagoo isku badalay labada xiddiga.
Dorgu ayaa ku dhibaatooday kulanka waxana la badalay kaliy 45 daqiiqo markii uu ciyaaray.
Amorim ayaa la waydiiyay sababta uu xiddiga uga ciyaarsiiyay daafaca midig waxana uu sheegay in loo baahanyahay in uu muujiyo in uu ciyaari karo boosas kasta.
Tababaraha ayaa yiri: “Waqti badan ayuu ka ciyaaray Lecce dhanka midig iyo bidix, taasi waa mid ka mid ah astaamaha aan wax badan siino, si aan u helno ciyaaryahan isaga oo kale ah”.
“Waa inaan heysanaa garabyo u ciyaari kara labada dhinac sida Dalot, runtii waa shay muhiim ah”.
Be the first to comment