Roy Keane Oo Magacaabay 3 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024 & Hal Xul Oo Aan Awoodin Ku Guulaysiga Tartanka.

Roy Keane ayaa meesha ka saaray fursadaha Xulka Portugal ee ku guulaysiga Euro 2024 Wuxuuna aaminsan yahay in England, France iyo Germany ay yihiin seddexda xul ee ugu cadcad tartanka.

Germany ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2024 iyaga oo garaacay xulka Scotland halka France uu la ciyaari doono xulka Astria maalinta Isniinta sidoo kale xulka England la ciyaari doono xulka Serbia.

Kane ayaa dareensan in xulka Spain uu wareegyada dambe kaga hadhi doono tartanka Euro 2024.

Markii wax laga weydiiyay fursadaha Portugal, Keane ayaa u sheegay ITV”Ma aaminsani fursadohooda”.

“Waxa ay haystaan xiddigo cajiib ah laakiin waxa aan aaminsanahay n ulalka France, England Iyo Germany ugu cad-cad yihiin tartanka”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga