Xiddigaha Liverpool Sida Xorta Ah Uga Tagay Sanadihiin Ugu Dambeeysay.

Difaaca Liverpool, Ibrahima Konaté, ayaa ka tagaya kooxda isagoo xor ah (free transfer) kadib shan sano oo uu ku qaatay Anfield.

Arrintan waxay la yaab ku noqotay taageerayaal badan maadaama Konaté uu bishii Abriil sheegay inuu jiro “fursad weyn” oo uu kooxda sii joogi karo.

Ciyaartoyda Liverpool ee si bilaash ah uga tagay

Milkiilayaasha Liverpool ee Fenway Sports Group (FSG) ayaa marar badan doorbiday inay ciyaartoyda qandaraasyadoodu dhammaadaan halkii ay siin lahaayeen mushahar aad u sarreeya.

Xagaagan Liverpool waxay waayi doontaa:

Ibrahima Konaté

Andy Robertson

Labadooduba waxay qayb ka ahaayeen kooxdii hanatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Sidoo kale, Mohamed Salah ayaa heshiiskiisa si hore ah u joojiyey.

Sanadkii hore, Trent Alexander-Arnold wuxuu ugu biiray Real Madrid lacag dhan €10 milyan si uu uga qayb galo Club World Cup ka hor dhammaadka heshiiskiisii Liverpool.

Ciyaartoy kale oo Liverpool uga tagay si bilaash ah waxaa ka mid ah:

Roberto Firmino

Georginio Wijnaldum

Emre Can

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga